Muqdisho (Wargeyska Dalka): Ra’iisul Wasaare-ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa ka qayb galay munaasabadda saxiixa mashruuca Dardargelinta Horumarka Dhaqaalaha iyo Bulshada ee Soomaaliya, oo lagu hirgelinayo iskaashi ballaaran oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, UNDP, iyo Qaar ka mid ah Shirkadaha ganacsi ee dalka .
Mudane Jibriil, ayaa sheegay in mashruucan uu yahay tusaale muuqda oo muujinaya sida ay isku kaashan karaan, dhinacyada kala duwan ee dawladda, ganacsatada iyo saaxiibbada caalamiga ah, si loo gaaro hal ujeeddo oo ah horumar waara iyo fursado loo abuuro shacabka Soomaaliyeed.
“Mashruucan ma aha oo keliya barnaamij horumarineed; waa tusaale cad oo muujinaya sida hey’adaha dawliga ah, ganacsatada, iyo saaxiibbada caalamiga ah ay isu garab taagi karaan hal hadaf,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare-ku-xigeenka.
Ra’iisul Wasaare-ku-xigeenka, ayaa carrabka ku adkeeyay in Xukuumadda DanQaran ay si buuxda uga go’an tahay abuurista deegaan ganacsi oo furan, iyada oo dib-u-habeyn lagu samaynayo shuruucda, canshuuraha, iyo nidaamyada ganacsiga, si loo fududeeyo maalgashiga iyo hal-abuurka gudaha.
Mashruucan ayaa si gaar ah diiradda u saaraya xoojinta deegaanka ganacsiga, shaqo-abuurka dhallinyarada, iyo horumarinta dhijitaalka. In ka badan 1,000 dhallinyaro Soomaaliyeed ayaa heli doona tababaro xirfadeed iyo dhijitaal ah, si ay u helaan shaqooyin ama u abuuraan ganacsiyo madax-bannaan, halka 500 ganacsi Soomaaliyeed – oo intooda badan ay hoggaaminayaan haween iyo dhallinyaro – ay si toos ah uga faa’iidaysan doonaan barnaamijka.

