Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo dhiirigelisay ganacsatada ka qeybgashay Bandhigga 25aad ee EA

Nairobi-(Wargeyska Dalka)-Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa dhiirigelin u samaysay ganacsatada Soomaaliyeed ee ka qeybgashay Bandhigga ganacsiga 25-aad ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika oo ka soconaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

U qaabilsanaha Safaaradda Soomaaliya dalka Kenya ee Arrinaha Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane, Guulleed Cismaan ayaa ganacsatada Safaaradda uga iibiyay badeecooyinka dalkeenna laga keenay iyo agabyada kale ee dhaqanka ka turjumaya, kuwaasi oo loogu talagalay in la geeyo Safaaradda, si diblomaasiyiinta iyo madaxda kale ee soo booqaneysa haddiyado looga dhigo.

Guulleed Cismaan ayaa ku bogaadiyey ganacsatada in ay xoojiyaan fikradaha hal abuurka leh, si loo gaarsiiyo guud ahaan Gobalka, taasoo  Safaaradduna gacan ka geysaneyso u fududeynta waxyaabaha ay u baahanyihiin.