Duqa Muqdisho iyo Culimaa’udiinka oo ka wada hadlay wacyigelinta bulshada

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xalay kulan wadatashi iyo is-xogwaraysi ah la yeeshay Culimada Soomaaliyeed, si uu ula lafaguro doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin xoojinta dowladnimada iyo wacyigelinta bulshada.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii Culimada ay u sii wadi lahaayeen dadaallada lagu xoojinayo midnimada iyo nabadda bulshada, loona sii laba-jibbaari lahaa halganka ka dhanka ah afkaaraha khaldan ee lagu marin habaabiyo dhallinyarada iyo bulshada.

Guddoomiye Dr. Muungaab, ayaa tilmaamay in wadashaqeynta Maamulka Gobolka iyo Culimada ay tahay tiir udub-dhexaad ah oo lagu dhisayo bulsho nabdoon iyo dowlad sal adag.

Culimada iyo Duqa Muqdisho ayaa isku raacay in la dardar-geliyo wacyigelinta bulshada iyo iskaashiga ka dhanka ah afkaaraha xun ee lidka ku ah Diinta xaniifka ah ee Islaamka, Nabadda iyo Dowladnimada Soomaaliya.