Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Cabdinaasir Axmed Bashiir u magacaabay Agaasimaha Waaxda Warfaafinta ahna Afhayeenka xafiiska Ra’iisul Wasaaraha laga bilaabo maanta.
Cabdinaasir Axmed Bashiir ayaa kamid ah bahda saxaafadda,isagoona kasoo shaqeeyay hay’ado warbaahineed oo gudaha dalka iyo dibadda ah.

