BFS oo ansixiyey Hindse Sharciyeedka dib-u-eegista sharciga la dagaallanka burcad badeedda

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey Hindse Sharciyeedka dib-u-eegista sharciga la dagaallanka burcad badeedda iyo ka hortagga afduubka ee sharci Lr.36 oo soo baxay 30-kii Bishii April sanadkii 1975-tii, waxaana ogolaaday 140 Xildhibaan, mana jiro Xildhibaan diiday iyo mid ka aamusay intaba.