Bakool (Wargeyska Dalka):-Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen gobolka Bakool ku dilay horjooge ka tirsanaa Khawaarijta.
Horjoogahan oo Khawaarijta u qaabilsanaa saldhigga Abal ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Maxamed (Gofow),waxaana sidoo kale lagu yaqiinay xarig iyo dhibaateynta dadka shacabka ah.
Taliyaha Guutada 9aad ee Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Gashaanle Dhexe Yuunis Aadan Xasan, oo howlgalka kadib la hadlay warbaahinta qaranka, ayaa sheegay in howlgalka oo ahaa mid qorsheysan lagu dilay horjooge Maxamed Cabdi (Gofow),asigoo tilmaamay in ciidanka Xoogga ee ku sugan gobolka Bakool ay sii wadi doonaan howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta ee weli ku sugan deegannada gobolka.
Ciidamada Guutada 9aad ee Qeybta 60-aad ee Xoogga Dalka ee ka howl gala gobolka Bakool ayaa maalmihii la soo dhaafay waday howlgallo ballaaran oo ka socda deegaanno hoos yimaada gobolka, halkaas oo khasaare culus lagu gaarsiiyay Khawaarijta.

