Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa kulan muhiim ah la qaatay dhigiisa Mudane Amiir Cabdulcasiis Bin Turki Al-Feysal oo ah Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Kulanka labadaasi dhinac oo ka dhacay Dalka Sacuudi Carabiya,waxaa lagu kala saxiixday heshiis is af-garad ah oo ku saabsan dib u dhiska garoomada ciyaaraha , horumarinta xirfadaha Dhallinyarada iyo sidii loogu sameyn lahaa shaqo abuur.
Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada XFS ayaa ku sugan Magaalada Riyadh ee dalka Sacuudi Carabiya ,isagoo kulamo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga la yeelan doona qaar ka mid ah wasiirada dhigiisa ah ee ku jira dalalka Jaamacadda Carabta.

