Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cali Barre, ayaa daahfuray Mashruuca “Rajo Kaaba”, oo ah barnaamij deeq waxbarasho oo loogu talagalay haweenka Soomaaliyeed ee doonaya in ay sii wataan waxbarashada heerka labaad (Master’s Degree), si kor loogu qaado ka-qaybgalka haweenka ee tacliinta sare, horumarinta xirfadaha iyo awooddooda hoggaamineed.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in mashruuca Rajo Kaaba uu qayb ka yahay qorshaha Xukuumadda DanQaran, ee lagu taageerayo laguna horumarinayo haweenka, si loo helo fursado siman oo waxbarasho, shaqo iyo hoggaan.
“Waxbarashadu waa furaha nolosha adduun iyo aakhiro, waa jidka lagu gaari karo horumar iyo dowladnimo ku taagan tiir adag. Dadkii aan waxbaran waxaa kala gooya colaad, abaar, cudur iyo gaajo, sidaas awgeed ‘Rajo Kaaba’ waa mashruuc qaran oo daliil u ah sida ay Xukuumadda DanQaran xoogga u saarayso kobcinta aqoonta iyo karaanka gabdhaha Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in haweenka Soomaaliyeed maanta ay haystaan fursaddii ay dalka ku hoggaamin lahaayeen, isla markaana looga baahan yahay in ay door muuqda ka qaataan doorashooyinka dowladaha hoose ee dhowaan dalka laga qaban doono.
“Xukuumadda DanQaran waxay dejisay Barnaamijka Isbeddelka Qaran, kaas oo mudnaanta siinaya kor u qaadista karaanka aadanaha. Taas oo keentay in la xoojiyo waxbarashada iyo xirfadaha lagu horumarinayo shaqada iyo shaqaalaha,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sidoo kale uga mahadceliyey Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, dadaalkooda ku aaddan horumarinta iyo tayeynta aqoonta dadka Soomaaliyeed, si waafaqsan dhaqankeenna iyo diinteenna suubban.


