Madaxweynaha JFS oo ku sugan Tuulada Ciyaaraha ee Stadium Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa haatan ku sugan Tuulada Ciyaaraha ee Stadium Muqdisho, halkaas oo uu ka socdo final-ka tartanka degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana weli garoonka ku loollamaya kooxaha degmooyinka Howlwadaag iyo Warsheekh.

Ciyaartan Finalka tartanka degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxa garoonka soo buux dhaafiyey kumanaan shacab ah oo kala taageersan labada degmo sidoo kale waxa ka soo qayb galay daawashada finalka ciyaartan madaxda Dowladda Federaalka iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Banaadir.