Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka todobaadlaha ee Guddiga joogtada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliso Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka furay ayaa xubnaha guddiga warbixin ka siiyey howlaha Golaha ee la xiriira meelmarinta shuruucda kaabeysa dowladnimada dalka, gaar ahaan dhaqangelinta shuruucda dalka u horseedeysa doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna Guddoomiyaha bogaadiyey dadaalada Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee ku aadan diiwangelinta dadweynaha.

Intaasi ka dib xubnaha guddiga ee Golaha shacabka ayaa ka dooday Ajendayaasha horutebinta u leh golaha kalfadhiga todobaad, waxaana xubnaha guddiga si gaar ah Ajendeyn ugu sameeyeen ajendayaasha Golaha ee todobaadka soo socda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa bogaadiyey howsha guddiyada Golaha ee ku aadan kor joogteynta wasaaradaha iyo hay’adaha ay u xilsaaranyihiin.