Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya, Mudane Sebastian Groth.
Kulanka waxaa lagu gorfeeyay xaaladda bini’aadannimo ee dalka, saameynta roobka dayrta oo yaraaday iyo mashaariicda taageerada ah ee Jarmalku ka fuliyo Soomaaliya, gaar ahaan kuwa la xiriira gargaarka iyo ka hortagga musiibooyinka.
Guddoomiyaha SoDMA ayaa sheegay in hay’addu ay xoogga saarayso horumarinta nidaamyada looga hortago khataraha musiibooyinka, isagoo xusay muhiimadda tallaabooyin horey loo qaado si loo yareeyo khasaaraha musiibooyinka dabiiciga ah.
Dhankiisa, Safiirka Jarmalka ayaa xaqiijiyay in dalkiisu uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhanka maareynta musiibooyinka iyo yareynta saameynta isbeddelka cimilada.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Maxamuud ayaa uga mahadceliyay dowladda Jarmalka garab istaagga joogtada ah ee ay u muujiso Dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed.

