Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo ka qeybgalay kulan fogaan arag ah oo ku saabsanaa mustaqbalka howlgalka AU ee Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Senator Xasan Xuseen Xaaji, ayaa maanta ka qeybgalay kulan fogaan arag ee AU PSC, oo ku saabsanaa mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya waxii ka dambeeya Sanadka 2021-ka. Waxaana uu soo dhowaayey bayaankii wadajir ahaa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika ee ku saleysana 19-kii bishii Agoosto 2021 Muqdisho.

Wasiirka Gaashaandhigga, ee XfS ayaa soo jeediyey in laga gudbo warbixintii qiimeynta madaxa bannaan ee AU-da ee dhawaan ay DFS diiday. Waxaana uu adkeeyey in goluhu ay ahmiyadda siiyaan rabitanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabkeeda marka ay go’aaminayaan arrimaha ku saabsan amniga iyo nabad galyadda dalka Soomaaliya.