Wasiirka beeraha oo qaabilay maalgashadayaal ka socota dalka Ciraaq

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Wasiirka Beeraha iyo Waraabka JFS, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Madaxa Sanduuqa dawliga ee Shuhaddada dalka Ciraaq, Sarreeye Guud, Amjad Al awadi, kuwaas oo isugu jira ganacsato iyo maalgashadayaal.

Wasiirka ayaa wafdiga uga warbixiyay khayraadka iyo fursadaha maalgashi ee dalka, isagoo xusay in Soomaaliya ay leedahay dhul barwaaqo ah, bad, wabiyo iyo xoolo badan.

Wasiir Maareeye ayaa ku booriyay ganacsatadda reer Ciraaq in ay ka faa’iideystaan fursadahaan dihan, wuxuuna xusay xiriirka taariikhiga ah iyo midka walaaltinimadda ee ka dhaxaysa labada dal.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay dhoofiso Sisin iyo Liin tayo sare leh, isla markaana ay diyaar u tahay iskaashi ballaaran oo dhinaca Maalgashigga beeraha ah.

Xubnaha ganacsatada ah ka socda dalka Ciraaq ayaa dhankooda sheegay in ay ujeedoodu ahayd in ay sahamiyaan fursadaha maalgashi ee Soomaaliya ka jira gaar ahaan qaybta beeraha.