Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Guddiyada Doorashooyinka ee Heer Federaal, Heer Dowlad-goboleed iyo Xallinta Khilaafaadka ayaa sharraxaad ka siiyay geeddi socodka doorashada, isagoo ku boorriyay in ay si dhow u wada shaqeeyaan, doorashadana u maamulaan si hufan.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddiyada uga warbixiyay dadaallada Xukuumadda ay ugu jirto dar dargelinta doorashooyinka, waxaana uu kula dardaarmay inay hirgeliyaan habraacyada u degsan hannaanka doorashada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaana Guddiyada kala hadlay qodobbo dhowr ah oo ay ka mid yihiin:
- Qaabka soo xulista ergooyinka iyo doorka odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah
- Xaqiijinta Qoondada haweenka ee 30%
- Dhaqaalaha ku baxaya doorashada
- Wadashaqeynta guddiyada doorashada iyo xallinta khilaafaadka iyo arrimo kale oo khuseeya doorashada iyo hufnaanteeda.