Taliska Nabad Sugidda koonfur Galbeed oo soo bandhigay xubno katirsan khawaarijta

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Taliska Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa soo bandhigay saddex xubnood oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta, kuwaas oo isku soo dhiibay ciidanka.

Xubnahan isa soo dhiibay ayaa kooxda Khawaarijta u qaabbilsanaa dhinaca jabhadaha, waxaana ay ka sheekeeyeen sida ay nabadiidku u caadeysteen boobka hantida shacabka, carruurta yar yar ee ay xoogga kaga hayaan waalidiintooda, iyo beenta ay ka faafiyaan diinteena suuban.