Kigali, Rwanda(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa booqasho rasmi ah oo labo maalmood ah ku jooga magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda.
Intii uu halkaas joogay, Wasiirku wuxuu booqday Xarunta Xusuusta Kigali iyo Matxafka Ololaha Lagaga Hortagay Xasuuqa, isagoo u muujiyay tixgelin iyo xusuus dhibbanayaasha xasuuqii 1994 ee lagu laayey dadka Tutsiga.
Rwanda oo ka soo kabatay dagaalladii sokeeye ayaa maanta tusaale u ah dib-u-heshiisiin iyo horumar waara.
Booqashada Wasiirka ayaa qayb ka ah xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal, iyadoo Soomaaliya iyo Rwanda ay ka wada shaqeynayaan nabadda, horumarka iyo iskaashiga gobolka.




