Berlin:- Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee XFS, Mudane Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa ka qaybgalay Shirka Cimilada iyo Amniga ee Berlin (Berlin Climate and Security Conference 2025), kaas oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka.
Shirkan oo ay isugu yimaadeen wasiirro, madax ka socotay Midowga Yurub, Qaramada Midoobay, iyo khubaro caalami ah, ayaa lagu falanqeeyay xiriirka u dhexeeya isbeddelka cimilada iyo amniga. Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray habka dalalka dunidu u mideyn karaan dadaallada lagu xoojinayo xalalka nabadda ee adkaysiga u leh cimilada (climate-resilient peace solutions).
Wasiir Bashiir Maxamed Jaamac, oo ka qeybgalay dood muhiim ah oo diiradda lagu saaray saameynta cimilada iyo amniga ee dalalka nugul, ayaa hoosta ka xarriiqay sida uu dalka Soomaaliya uga go’an yahay inuu door firfircoon ka qaato dadaallada caalamiga ah ee la xiriira amniga iyo isbeddelka cimilada. Wuxuu xusay in Dowladda Soomaaliya ay xoogga saarayaan dhisidda adkeysiga bulshada iyo yareynta saameynta isbeddelka cimilada ee dalka.
Sidoo kale, Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa si rasmi ah u shaaciyay in Soomaaliya ay ku biirtay Kooxda Bahwadaagta Qaramada Midoobay ee Cimilada iyo Amniga (UN Group of Friends on Climate and Security), oo ka kooban 78 xubnood, kuwaas oo ay ku jiraan 77 dal iyo Wakiillada Midowga Yurub (EU Delegation).


