Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay iskaashiga dhinacyada gaadiidka iyo duulista hawada

Riyadh-(Wargeyska Dalka)-Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS, Mudane Maxamed Faarax Nuux, oo safar shaqo ku jooga Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa kulan miro-dhal ah kula yeeshay magaalada Riyaad Wasiirka Gaadiidka iyo Adeegga Saadka Guud ee Boqortooyada Sacuudiga, Mudane Saleh bin Nasser Al-Jasser.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada gaadiidka iyo duulista hawada, iyadoo labada wasiir ay si gaar ah uga wada hadleen furitaanka duulimaadyo toos ah oo joogto ah oo u kala goosha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya.

Wasiir Maxamed Faarax Nuux ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid muhiim ah oo lagu dhisayo xiriir wada-shaqeyn ah oo faa’iido u leh labada dal iyo shacabka walaalaha ah ee Soomaaliyeed iyo Sacuudiga.

Wasiirrada ayaa isla gartay in la sameeyo guddi farsamo oo ka shaqeeya fulinta heshiisyada iyo qorshayaasha lagu xoojinayo xiriirka dhinacyada duulista iyo gaadiidka guud.

Safarkan shaqo ee wasiirka iyo wafdigiisa ayaa qayb ka ah dadaallada ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku doonayso in ay ku xoojiso isku socodka, ganacsiga iyo is-dhaafsiga adeegyada ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka saaxiibka ah ee gobolka.