Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo gaaray Dalka Jabuuti

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa gaaray Dalka Jabuuti, kadib martiqaad uu ka helay dhiggiisa Wasiirka Wasaaradda Diinta, Dhaqanka iyo Awqaafta ee dalka Jabuuti, Mudane Muumin Xasan Barre.

Safarka wafdiga Soomaaliya ayaa lagu xoojinayaa wada shaqeynta labada wasaaradood ee Awqaafta Soomaaliya iyo Jabuuti.