Wasiirka Dekedaha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay xubno ka socday Midowga Yurub

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha XFS  & Gaadiidka Badda Mudane C/Qaadir Maxamed Nuur ayaa shegay in uu guddoomay deeq qalab ay bixiyeen Madaxda Hawlgalka Midowga Yurub ee awood dhiska Soomaaliya ,kaas oo loogu talagalay Isku-xirka & Samatabbixinta Badaha,jaas oo ay bixiyeen.

“Soomaaliya iyo Midowga Yurub waxay wadaagaan iskaashi istaraatiijiyadeed oo xooggan ,isla markaana ku qotoma saaxiibtinimo iyo ixtiraam” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Dekedaha XFS,isagoo dhinaca kale deeqdaan ku tilmaamay  mid wax ka tareysa badbaadada badda Soomaaliya.

Wasiirka oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya H.E. Francesca Di Mauro  iyo mas’uuliyiin kale waxa ay si qoto dheer uga wadahadleen taageerada joogtada ah ee Midowga Yurub ,gaar ahaan  dhinacyada dib u dhiska dalka,hagaajinta kaabayaasha,xagga  amniga iyo horumarinta adeegyada badaha .