Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS ayaa kulan rasmi ah la yeelatay dhigeeda Wasiirka Qoyska ee Dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar.
Wasiirka Wasaaradda Qoyska Danjire Marwo Khadija Maxamed Al-Makhzoumi oo casuumaad rasmi ah ka heshay dhigeeda wadanka aan walaalaha nahay ee dowladda Qatar ayaa maanta kulan rasmi ah la yeelatay Wasiiradda Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Qoyska dalkaasi H.E. Buthaina Bint Ali Al Jabr Al Nuaimi.
Kulanka waxaa looga wada hadlay arrimo badan oo ay ka mid ahaayeen sidii labada Wasaaradood ay isaga kaashan lahaayeen Arrimaha Qoyska, hormarinta Haweenka iyo daryeelka carruurta.
Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo hormarintxa Xuquuqul Insaanka XFS ayaa la wadaagtay dhigeeda hormarka ay ku talaabsatay dowladeenna Soomaaliya gaar ahaan Wasaarradda ay hogaamiso, iyadoo la wadaagtay hormarro badan oo lagaga dayan karo Soomaaliya.
Dhanka kale, Wasiiradda Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ee dalka Qatar ayaa la wadaagtay Wasiiradda iyo wafdigeeda qeybaha ay ka koobantahay Wasaaradeedu, hay’adaha hoos yimaada iyo sida ay ugu adeegaan bulshadooda iyadoo soo bandhigtay hormarro badan oo looga dayan karo.
Labada Wasiir ayaa isla gartay in la abuuro iskaashi u dhaxeeya labada Wasaaraddood, taasoo la isku weeydaarsanayo arrimo badan oo ay kamid yihiin in la is weeydaarsado wixii khibrad iyo aqoon kororsi ah iyo sidoo kale in laga sii baaraan dago sidii loo sameyn lahaa heshiis isfagarad oo u dhaxeeya labada dhinac.