Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta kulan la qaatay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Amb. Francesca Di Mauro.
Kulanka ayaa looga hadlay dardargelinta barnaamijyada horumarineed ee Midowga Yurub ka wado Gobolka Banaadir, gaar ahaan kuwa la xiriira dowlad-dhiska, xasilinta iyo adeegyada bulshada.
Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada ay siiyaan Soomaaliya, halka Danjiruhu ay ballanqaadday sii wadidda iskaashiga lagu taageerayo horumarka iyo dimuqraadiyaynta magaalada Muqdisho
Danjire Francesca Di Mauro ayaa dhinaceeda xustay sida Midowga Yurub ay uga go’an tahay inay sii wadaan taageerada dhinacyada horumarinta, amniga, dowlad-dhiska iyo adeegyada bulshada, iyadoo la tixgelinayo baahiyaha dhabta ah ee shacabka reer Muqdisho.