Guddi KMG ee soo xulista Baarlaanka Bariga Afrika oo shiray

Guddiga ku meel gaarka ah ee soo xulista Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika oo maanta yeeshay kulankoodii koowaad, ayaa diyaariyay Jadwalka shaqo ee Guddiga iyo hannaanka habraaca doorashada xubnaha Soomaaliya ku mateli doona Golaha sharci dejinta ee Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika.

Kulanka oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux), ayaa Xubnaha Guddiga waxa ay dood iyo falanqayn dheer kadib go’aamiyeen jadwalka shaqo iyo shuruudaha laga rabo xubnaha tartamayaasha iyo waxyaabaha looga baahan yahay musharraxiinta u tartamaya xilka Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika.