Maareeyaha Dekadda oo ballan qaaday inuu shaqaaleysiin doono Afar kamid ah dadka Maqalka Naafada ka ah

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Maareeyaha Dekadda Muqdisho Mudane Danjire Maxamed Cali Nur (Ameriko) ayaa balan qaaday inuu dhawaan shaqaaleysiin doono Afar kamid ah Dhallinyarada Maqalka Naafada ka ah.

Maareeyaha Dekadda Muqdisho ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ururka u dhaq-dhaqaaqa ilaalinta xaquuqda dadka Maqalka Naafada ka ah ee SONAD, kuwaas oo ka warbixiyay doorka ay bulshada Soomaaliyeed ku leeyihiin iyo duruufaha ay la tacaalayan.

Maareeyaha Dekadda Muqdisho Mudane Danjire Maxamed Cali Nur (Ameriko) ayaa tilmaamay in had iyo jeer uu la dareenyahay dadka Baahiyaha gaarka qaba, islamarkaana uu marwalba dhiirigelin doono taallabo kasta oo lagu horumarinayo nolasha dadka Naafada ah.