Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS oo gudanaya waajibaadkooda Dastuuriga ah, ayaa maanta yeeshay kulan gaar ah oo ay ku falanqeynayaan hannaanka akhrinta iyo sixitaan lagu samaynayo Hindise sharciyeedka kaalmo sharciyeedka Federaalka.

Kulanka oo ay shir guddoominaysay Guddoomiyaha Guddiga Sanatar Naciima Xasan Xaaji (Gadhweyne), ayaa dood, falanqayn iyo gorfayn ay qayb ka ahaayeen sharciyaqaannada Golaha waxaa lagu go’aamiyay in loo yeero Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS; si loola yeesho waydiin oraaheed iyo fasiraad dheeraad oo looga baahday hindise sharciyeedka kaalmo sharciyeedka Federaalka.