Ciidamada Qalabka Sida ee Turkiga (TSK) ayaa laga soo bilaabo sanadkii 2017-kii illaa hadda sii wada Tababarada iyo dhoolatusyada ciidan ee ay siinayaan ciidamada Soomaaliya, si ay uga qeyb qaataan amniga dalka iyo xasiloonida Geeska Afrika.
Sida laga soo xigtay Anadolu Agency (AA), Turkiye waxay go’aansatay in la dhiso ciidan ka howlgala Somalia ,iyada oo la raacayo heshiiskii qaab-dhismeedka Ankara iyo Muqdisho ee 2010, Heshiiskii Iskaashiga Military ee 2012, kii 2014 ee Hab-maamuuska ciidamada howlgallada , Go’aankii Golaha Hawlgelinta Turkiga ee 20-aad iyo kii Golaha Wasiirada ee 2017.
Ciidamada Turkiga waxa ay gacan ka geysteen howlo ay ka mid yihiin abaabulka, waxbarashada, kaabayaasha militariga, hagaajinta nidaamka saadka , taageerada iyo sidoo kale caawinta hey’adaha dowladda.
Taliska Dugsiga Militariga, ee Turkisom waxa ay ardayda Soomaalida ay siiyaan tababaro wax ku ool ah iyo fursado shaqo barasho oo ay u sii dheer tahay tan militariga, tacliinta, aasaasiga ah iyo waxbarasho xagga jir dhiska ah.
Turkiga, oo xubin ka ah NATO, wuxuu xiriir dhow la leeyahay Soomaaliya, isagoo u adeegaya saaxiibka dhaqaalaha aasaasiga ah, gaar ahaan dhinacyada dhismaha, waxbarashada iyo caafimaadka iyo sidoo kale iskaashiga milatari.
Ciidanka Turkiga ayaa sidoo kale ka howlgala Saldhigga ugu weyn iyo xarunta tababarka ee ay ku leeyihiin Soomaaliya, waxaana la sheegay in lagu tababaray in ka badan 5,000 oo askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka Soomaaliya,halka la tilmaamay in ay jiraan askar Soomaali ah oo tababar ciidan ku qaatay Turkiga.
Iyadoo la taageerayo dhismaha iyo horumarinta ciidamada qaranka Soomaaliyeed TURKSOM waxa ay wadashaqeyn heer sare ah la lleeyihiin madaxtooyada, wasaaradda gaashaandhigga, taliyaha guud ee ciidanka iyo taliyeyaasha ciidamada maamul goboledyada.
Marka laga soo tago Turkiga, QM, Mareykanka, Imaaraadka, Taliska Afrika, U.K., Hawlgalka Taageerada Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub (EUTM) iyo dhowr hay’adood oo aan dowli ahayn ayaa ka hawlgala Soomaaliya.
Sidoo kale,ciidamo ka kooban cutubyo militari oo ka kala socda Uganda, Burundi, Ethiopia, Kenya iyo Djibouti, ayaa sii wada howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaas oo xilligaan gaaraya 11,467 askari.
Gabagabadii ciidanka TURKSOM waxa ay kaalin muhiim ah ka qaateen dhismaha ciidanka dalka iyo dib u dhiska dalka,gaar ahaan kor u qaadidda kaabayaasha lagama maarmaanka u ah hey’adaha dowladda.