Wasiirka Caafimaadka oo kulamo la yeeshay dhiggiisa dalalka Malaysia iyo Brunei

Ammaan- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Cali Xaaji Aadam, oo ka qayb galaya Shirka Wasiirrada Caafimaadka dalalka Islaamka ee ka socda magaalada Amman ee dalka Urdun, ayaa kulamo doceedyo muhiim ah la yeeshay wasiirrada caafimaadka dalalka Malaysia iyo Brunei Darussalam.

Wasiirka Caafimaadka Dr Ali haji ayaa kulamadan muhiimka ah ee uu la qaatey Wasiirka Caafimaadka Malaysia mudane Datuk Seri iyo Wasiirka Caafimaadka Brunei mudane Dato Dr. Isham Jaafar, kala hadlay sidii la isku dhaafsan lahaa aragtiyo iyo waayo-aragnimo ku saabsan xoojinta nidaamyada daryeelka caafimaadka, horumarinta adeegyada caafimaadka aasaasiga ah iyo tababarrada xirfadlayaasha caafimaadka.

Kulamadan ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga laba geesoodka ah, is-dhaafsiga khibradaha iyo fursadaha waxbarasho iyo horumarinta awoodda shaqaalaha caafimaadka Soomaaliyeed, si kor loogu qaado tayada adeegyada caafimaadka dalka.