Amman-Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Cali Xaaji Aadam, oo safar shaqo ku jooga magaalada Amman ee dalka Urdun, ayaa heshiis is-afgarad ah la galay Ururka EMHPNET (Eastern Mediterranean Public Health Network) si loo xoojiyo iskaashiga iyo wada shaqaynta dhanka horumarinta adeegyada caafimaadka ee Soomaaliya.
EMPHNET waa hay’ad caalami ah oo ka shaqeysa kobcinta caafimaadka dadweynaha, gaar ahaan xoojinta awoodda shaqaalaha caafimaadka, la dagaalanka cudurrada faafa iyo horumarinta nidaamyada la socodka caafimaadka.
Hay’addan ayaa hore uga fulisay Soomaaliya mashaariic lagu taageerayo adeegyada caafimaadka, gaar ahaan qaybo kamid ah gobollada dalka.
Heshiiskan cusub ayaa dhidibada u taagaya iskaashi ballaaran oo u dhexeeya Wasaaradda Caafimaadka iyo EMPHNET, kaas oo gacan ka geysan doona tayaynta nidaamka caafimaadka iyo kor u qaadista adeegyada caafimaad ee bulshada Soomaaliyeed.