Taliyaha Booliska Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa shir guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda.

Kulanka oo ay ka qaybgaleen dhammaan saraakiisha Booliska ee ka howl-gala Muqdisho, una hoggaansan Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira xaaladda amniga iyo howlgaladii toddobaadkii tegay, iyadoo la falanqeeyay qorshayaal lagu xoojinayo amniga guud ee Caasimadda.

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed ayaa saraakiisha ku ammaanay dadaalkooda, wuxuuna sidoo kale ku booriyay in ay ka hortagaan musuqmaasuqa, sare u qaadaan feejignaantooda, isla markaana la hagaajiyo bilicda saldhigyada si bulshada loogu adeego si hufan, sharaf leh oo lagu kalsoonaan karo.