Wasiirka Cadaaladda oo shir caalami ah uga qaybgalaya Sucuudiga

Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta ka qeyb galay Shirweynaha daahfurka urur goboleedka Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika ee soo ceinta hantida Sida Sharci-Darrada ah loola baxsado oo ka qabsoomaya magaalada Jidda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya inta u dhaxaysa 8–9 October 2025.

Urur Goboleedkan oo Soomaaliya ay ka mid noqotay dalalka aasaasay, ayaa kulmiya wadamada Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika, iyadoo ujeeddadeedu tahay xoojinta iskaashiga heer gobol ee ku aaddan la dagaallanka tahriibinta hantida sharci darrada ah, iyo soo celinta hantida la luunsado.

Inta uu socdo kulanka, Wasiir Xasan Macallin ayaa lagu wadaa inuu ka jeediyo khudbad muhiim ah oo uu kaga hadlayo doorka Ururka, iyo muhimadda ay u leedahay Soomaaliya iyo dalalka gobolka, gaar ahaan dhanka xoojjinta iskaashiga wax ku oolka ah ee lagu xakamaynayo tahriibinta hantida sharci darrada ah isla markaana si loo fududeeyo dabagalkeeda iyo soo celinteeda.

Sidoo kale, Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa inta uu socdo kulankan la yeelan doono kulan-doceedyo madaxda iyo masuuliyiinta heer gobol iyo heer caalami ee ka qeyb galaya shirka, si kor loogu qaado xiriirka iskaashi iyo midka wada-shaqeyn ee arrimaha cadaaladda iyo soo celinta hantida la luunsado kaas oo ay la yeelanayso Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dowladaha gobolka.