Cammaan (Wargeyska Dalka): Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa maanta ka qeyb galay Shirka 8-aad ee Wasiirrada Caafimaadka dalalka Islaamka (OIC) oo si rasmi ah uga furmay magaalada Cammaan ee dalka Jordan.
Khudbadda Wasiirka ayaa diiradda saartay dadaallada joogtada ah ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka waddo horumarinta yoolalka caafimaadka qaranka, iyadoo si gaar ah loo xusay guulaha laga gaaray ballaarinta adeegyada caafimaadka aasaasiga ah, xoojinta nidaamyada tallaalka, iyo dhisidda awoodda shaqaalaha caafimaadka. Wasiirka ayaa sidoo kale soo bandhigay tallaabooyinka muhiimka ah ee la qaaday si loo hubiyo helitaanka adeeg caafimaad oo tayo leh oo loo siman yahay dhammaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka nugul iyo kuwa ku nool meelaha fogfog.
Waxaa uu Wasiirku ku booriyay dalalka xubnaha ka ah OIC in ay xoojiyaan iskaashiga iyo khibrad-wadaagga dhinaca caafimaadka, si wadajir ahna looga hortago caqabadaha caafimaad ee sii kordhaya, islamarkaana la dhiso nidaamyo caafimaad oo adkaysi leh oo ka jawaabi kara baahiyaha mustaqbalka.