Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta yeeshay kulan lagu dardargelinayo Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar (Jowhar Offstream Storage Programme (JOSP).
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii barnaamijka JOSP uu door muhiim ah uga qaadan lahaa xakamaynta fatahaadaha, horumarinta waraabka iyo kor u qaadidda wax-soo-saarka beeraha, si bulshada deegaanka ay uga faa’iidaystaan kheyraadkooda dabiiciga ah iyo fursadaha kobaca dhaqaale ee deegaanka.
Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay dhiirrigelinta iyo horumarinta beeraleyda Soomaaliyeed, iyagoo isla meel dhigay qorshayaal lagu taageerayo wax-soo-saarka gudaha, lana kobcinayo awoodda beeraleyda si ay u helaan qalab casri ah, tababarro iyo suuqyo waara oo ay u iibgeeyaan dalagyadooda.
Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xusay in iskaashiga ka dhexeeya hay’adaha dowladda uu yahay tiir muhiim u ah horumarinta kaabeyaasha nolosha, gaar ahaan kuwa la xiriira waraabka iyo beeraha, si loo yareeyo saameynta abaaraha iyo fatahaadaha soo noqnoqda.
Ugu danbeyn, Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa tilmaamay in barnaamijka JOSP uu yahay tallaabo istiraatiiji ah oo lagu xaqiijinayo madax-bannaanida cunnada iyo ilaalinta deegaanka, isagoo xusay in Wasaaraddu ay si buuxda uga go’an tahay fulinta qorshayaal wax-ku-ool ah oo lagu taageerayo beeraleyda Soomaaliyeed.