Geneva-(Wargeyska Dalka)-Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey qaraar muhiim ah oo Soomaaliya ay kula soo wareegeyso maareynta Madaxa Bannaan iyo waajibaadkeeda Qaran ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka, kaasi oo Soomaaliya ka maqneyd tan 1993-dii.
Guusha taariikhiga ah ee Soomaaliya ka gaartay kulankii loogu codeeyey ee ka dhacay magaalada Geneva, Switzerland, ayaa meesha ka saareysa soo magacaabista qabiirka Xuquuqul Insaanka, oo dalkeenna loo soo magacaabi jiray labadii sano ee la soo dhaafay.
Guushaan ayaa qeyb ka ah guulaha isdaba-joogga ah ee Soomaaliya ka gaartay fagaareyaasha caalamka, iyadoo horey ay Soomaaliya ugu guuleysatay qaadista cunaqabateyntii hubka iyo deyn-cafinta.