Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada saxaafadeed ee dhowaan lagu sheegay in Soomaaliya iyo Sweden ay wada galeen “heshiis qarsoodi ah” oo isku xiraya gargaarka horumarineed iyo dib-u-celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed.
War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in warbixintani ay tahay been abuur, marin habaabin ah, isla markaana aan sal iyo raad toona lahayn.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu yiri ma jiro heshiis qarsoodi ah ama shuruudeysan oo ay Soomaaliya la gashay waddan kale oo ku saabsan soo celinta muwaadiniinteenna ama qaybinta gargaarka horumarineed.