Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Aqalka Sare oo qaabilay guddoomiyaha Golaha Wakiillada Woqooyi Bari

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-xasan, iyo xubno kale oo la socday.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray warbixin guud oo ka timid Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari, kaas oo ka hadlay howlaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, xaaladda siyaasadeed iyo bulsho ee shacabka ku dhaqan deegannada dowlad goboleedka.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka shaqo ee u dhexeeya Aqalka Sare iyo Golaha Wakiillada Waqooyi Bari, iyo sidii looga wada shaqayn lahaa arrimaha muhiimka ah ee hortebinta leh ee ku aaddan waajibaadka golayaasha Baarlamaanka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.