Cutubyo ka tirsan Kumaandooska CXD oo tababar la soo gabagabeeyay

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kormeeray bandhig ay sameeyeen cutubyada sida gaarka ah u tababaran ee CXD oo soo gabagabeeyay tababar ay ku qaadanayeen Kulliyadda Tababarka Ciidamada ee TURKSOM.

Wasiirku waxa uu ku bogaadiyay ciidamada gaarka ah dadaalkooda iyo u diyaargarowgooda difaaca dalka iyo la-dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah.