Xuska maalinta Qaran ee Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya

Xuska maalinta caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha ayaa ah mid  bulshada looga wacyi gelinaayo  ilaaalinta  iyo dhowrista Xuquuqda Aadanha  iyo in la joojiyo xadgudubyada ka dhanka ah, waxaana munaasabad lagu xusayo oo ay goob joog ka tahay Wasiirka Wasaradda Haweenka iyo horamarinta xuquuqda aadanha Xaniifa Maxamed Ibraahim lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Halka ku dhigga sanadkan ayaa ah” Xaqiijinta 30% Qoondada Haweenka iyo ilaalinta xuquuqda Aadanaha ee doorashooyinka Qaranka Soomaaliya,”.

Ujeedka laga leeyahay Xuska maalinta caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha  ayaa wuxuu yahay in la sii amba-qaado horumarka laga  gaaray dhowrista xuquuqul insaanka oo bulshadooda u ah asaas muhiim ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa go’aamisay in sanad walba la xuso haldoorka kaalinta weyn ka qaata horumarinta iyo dhowrista Xuquuqda Aadanaha, waxayna adkeysay in maalintan muhiimad gaar ah u leedahay shacabka Soomaaliyeed.