Dowladda oo sheegtay in ay ka go’an tahay kordhinta fursadaha shaqo-abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Wasiirka ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Xildhibaan Marwo Aamina Xuseen Cali, ayaa sheegtay in Wasaaradda ay ka go’an tahay kordhinta fursadaha shaqo-abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wasiiradda oo ka hadlaysay daah-furtka nidaamka casriga ah ee isku-xirka loo-shaqeeyaha iyo shaqo-doonka, iyadoo intaa ku dartay in wasaaraddu ay ku talagashay nidaamkan casriga ah, si loo soo bandhigo shaqooyinka ka bannaan DFS, hay’adaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa caalamiga ah.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka socday Hay’adaha DFS ee dhiirrigeliya shaqo-abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed, Hay’adaha aan dowliga ahayn iyo kuwa caalamiga ah.