Kalfadhiga todobaad ee Golaha Shacabka oo goordhow furmaya

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Kalfadhiga todobaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya kulankiisa 1-aad ayaa lagu wadaa inuu goordhow ka furmo xaruntooda Villa Hargeysa.

Ajandaha kalfadhiga ayaa ah akhrinta labaad iyo u codeynta axdiga Afrika ee xuquuqda iyo baraaraha Carruurta.

Akhrinta labaad iyo u codeynta heshiiska aagga ganacsiga xorta ah ee Qaarada Afrika (AFCFTA) iyo heshiiska xubinnimada suuqa ganacsiga bariga iyo koofurta Afrika (COMESA).