Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa guddomiyay shir looga hadlayey amniga caasimadda oo ay yeesheen Hey’adaha amniga iyo maamulka gobolka Banaadir, kaas oo ka qabsoomay xarunta dowladda Hoose ee Muqdisho.
Kulanka, ayaa looga hadlay dhacdooyinkii u danbeeyey ee ka dhacay caasimadda, iyada oo laga jawaabayo dhibaatadii ka dhalatay dhacadadii saldhigga degmada Warta-nabadda, ayey xubnaha kulanka yeeshay waxa ay isku raaceen, iyada oo la fulinayo qaraarkii Golaha Wasiirrada ee xakamaynta hubka, in aan lagu dhex wadan karin caasimada, hubka culus, sida baasuukaha, dhashiikaha Beekaamka iyo qoryaha lamid ka ah.
Wasiirka Amniga ayaa sheegay in sharciga dalku uu oggol yahay qabsoomidda bannaanbaxyo madani ah oo dadweynuhu ay cabashadooda ku soo gudbinayaan, balse aan la aqbali karin bannaanbaxyo lagu ilaalinayo hub, kaas oo wax yeellaya amniga, isla markaana keeni kara isku dhacyo sababi kara dhibaatooyin kale.
Wasiirka, ayaa faray mulkiilayaasha leh hotellada ku yaalla caasimadda, in ay ilaaliyaan sharciga, isla markaana aan lagu qaban karin goobahooda ganacsiga shirar lagu carqaladaynayo amniga iyo dowladnimada, isaga oo faray hey’adaha amniga in tallaabo cad ay ka qaadaan cid kasta oo ku xadgudubta awaamiirta.