Shir lagu qabtay Muqdisho oo looga hadlay doorka haweenka ee dhameystirka dastuurka

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay kulan dadweyne oo looga hadlayay doorka haweenka Soomaaliyeed ee ka-qaybgalka geeddi-socodka dhameystirka dastuurka.

Kulankan oo ay soo agaasimeen Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka iyo Guddiga La-socodka ee Baarlamaanka ayaa waxaa ka soo qeybgalay Ururrada Haweenka iyo Mas’uuliyiin ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Amb. Ilyaas Sheekh Cumar oo furitaanka kulanka ka hadlay ayaa xusay in ay haweenka Soomaaliyeed yihiin laf-dhabarta bulshada, sidaas darteedna ay lama huraan tahay in codkooda iyo aragtidooda lagu daro dib-u-eegista iyo dhamaystirka Dastuurka.