Wasiir Xoosh oo odayaasha dhaqanka kala hadlay falalka anshax xumo ee kusoo badanaya baraha bulshada

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf (Xoosh) ayaa sheegay in baraha bulshada ay ka socoto dhaqan aan wanaagsanayn, oo ay soo badanayaan dadka xumaanta iyo iskudirka wada, wuxuuna odeyaasha dhaqanka faray in ay kaalintooda ka qaataan, bulshadana ay wacyi geliyaan.

“ Waxaa soo badanaya shakhsiyaad iyo kooxo abaabulan oo kuwii sharciga qabto ay ahayd oo baraha bulshada u adeegsada si qaldan sida, Iskudirka iyo kala qeybinta shacabka, ceyda haldoorka umadda, faafinta warar xanaf leh, been abuur iyo kicin dadweyne”.

“Dhaqanka Soomaaliyeed waa geed-fadhi muhiim ah, oo ah hoggaanka umadda Soomaaliyeed, kaalintoodu waa mid weyn, waa in xikmadooda uga hortagaan khataraha isticmaalka qaldan ee baraha bulshada, wanaagana ay ku boorriyaan”.

Wasiirka oo xarunta Wasaaradda kulan kula qaatay odeyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa intaa ku daray in arrimahan marin habaabinta ah ee lagu qaldayo shacabka ay horseedi karaan isku-dhaca beelaha, xasillooni darro iyo qalalaaso amni, waxaa kale oo ay maskax ahaan u dhaawici karaan dhallinyarada Soomaaliyeed.

Mudane Cali Xoosh, Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaa ugu dambeyntii shacabku ku boorriyay in Khawaarij aanay kusoo gabban dhexdooda, kana digtoonaadaan faafinta xumaanta.