Bandhigga Shirweynaha 1-aad ee Ururka Haweenka Beeralayda oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha XFS Sahra Yuusuf Cige iyo qaar kamid ah,maamulka Gobolka Banaadir,Bangigga Horumaarinta iyo marti sharaf kale ayaa xalay ka qeybgalay xaflad casho sharaf ah oo lagu soo gunaanaday  shirwynaha 1-aad ee ururka Haweenka beeraleyda.

Xafladdaan ayaa waxaa kaloo ka qeybgaslay Ururro ka socday Iskaashatooyinka beeraleyda ee qaar kamid ah maamul Goboleedyada dalka,waxaana shirweynahaasi mudadii uu socday looga hadlay dardargalinta howlaha ururkaasi iyo sida gacan looga siin karo dhanka maalgalinta.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda  Beeraha iyo Waraabka Sahra Yuusuf Cige ayaa soo xirtay shirweynahaasi,iyadoo shahaadooyin guddoonsiisay xubno haween ah oo ka socday Galmudug,Puntland iyo Hirshabeelle.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda beeraha Maxamuud Maxaed Maxamuud ayaa sidoo kale ka hadlay xafladdii xiritaanka shirweynahaasi ,waxaana laga dhawaajitay in bisha soo socota la sameyn doono maalgalin loogu talagalay dhiirigalinta ururada haweenka beeraleyda ah.