Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa xalay fiidkii oo Arbaco ahayd (17 September) soo bandhigtay waxqabadkeeda muddada seddexda sano ee August 2022 illaa iyo August 2025 ee Xukuumadda Dan Qaran, iyadoo meel-marisay diblomaasiyadda ku suntan “Soomaali, heshiis la ah dunida”.
Wasaaradda ayaa waxqabadkeeda ku soo bandhigtay madal furan oo ay ka qeybgaleen Wasaaradaha iyo hey’adaha kale duwan ee dowladda oo loogu magacdaray “ Bandhigga waxqabadka Xukuumadda Dan-qaran 2022-2025” oo lagu qabtay caasimadda Muqdisho .
Madashan ayaa waxaa Wasaaradda ku hoggaaminayay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadd aiyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xildhibaan Isaaq Maxamuud Mursal, halka ay ay dhinac-joogeen Xoghayaha Joogtada Wasaaradda, Mudane Xamsa Aadan Xaadow, qaar ka mid ah agaasimeyeyaasha Waaxyaha iyo saraakiil kale.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda, Xildhibaan Isaaq Mursal, ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay wehliyeen Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, iyo Ra’iisul wasaare kuxigeenka , Mudane Saalax Axmed Jamaac , uga warbixiyay waxqabadka seddexda sano ee Wasaaradda kadib markii ay indha-indhayn ugu yimaadeen aqal-yaraha Wasaaraddu ku bandhigaysay guulaheeda diblomaasiyadeed.
Wasaaradda ayaa soo bandhigtay waxqabadka Wasiirka xilligan ee Wasaaradda Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, oo xilka loo magacaabay 27 April 2025 , si la mid ah Wasiiradii hore ee Wasaaradda sida Danjire Axmed Macallin Fiqi muddo xileedkiisu u dhexeeyay 7 April, 2024 illaa iyo 27 April, 2025, iyo Mudane Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) oo xil-hayntiisu ahayd August 2022 illaa iyo December 2023. Sidoo kale, waxaa Wasaaraddu soo bandhigtay waxqabadka Wasiiru dowlaha xilligan ee Wasaaradda, Mudane Xildhibaan Cali Maxamed Cumar, oo intii u dhexeysay 18 December, 2023 illaa iyo 7 April, 2024 ahaa Siihayaha Xilka Wasiirka Arrimaha Dibadd aiyo Iskaashiga Caalamiga.
Wasaaradda ayaa ku guulaysatay muddadaasi seddexda sano ah in Soomaaliya ay xubin ka noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay muddo xileedka 2025-2026, in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu qaado xayiraadda hubka , soona saarray go’aan tirsigiisu yahay 2714 (2023) oo arrinkani la xiriira, in Soomaaliya si rasmi ah ugu biirtay Urur goboleedka Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) 4 Maarso, 2024, waxaa si adag loo difaacay midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka bad iyo beri ee Soomaaliya.
Guulaha diblomaasiyadeed ee Wasaaraddu gaartay waxaa ka mid ah in xiriir cusub oo diblomaasiyadeed lala yagleelay illaa iyo 13 dal, iyadoo dib loo dayactiray Safaaradaha dalku ku leeyahay wadamada Tanzania, France iyo Zambia, sidoo kale waxaa dib loo furay dhismooyin cusub oo ah Safaaradaha Soomaaliya ee Algeria, iyo South Africa, iyadoo warqadaha danjirannimo laga guddoomay illaa iyo 43 danjire iyo wakiillo ururro , lagana qeybgalay 52 shir heer caalami iyo mid heer goboleed ah, iyadoo la magacaabay illaa iyo 24 safiir, iyo labo qunsul guud, waxaana la qaabilay 88 safiirro shisheeye iyo wakiillo ururro, iyadoo la ballaariyay howsha safiir “ma degane” oo la gaarsiiyay inay dalka ku matalaan illaa iyo 83 wadan, waxaana 53 heshiis iyo is-afgaradyo lala saxiixday 24 dal iyo labo urur oo kala ah mid heer caalami iyo mid heer goboleed ah, iyadoo lagu guulaystay in dalka si nabad ah loogu soo celiyo 3200 muwaadin oo ku dhibbanaa dalka dibaddiisa.