Soomaaliya oo Shiinaha kaga qayb gashay shirweynaha Caalamiga ah ee Injineeriyadda

Tianjin, Shiinaha-(Wargeyska Dalka)-Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Tianjin Shirweynaha 5aad ee Injineeriyadda “International Engineering and Construction Supply Chain Expo” iyo Shirka 9aad ee International Market Report Conference for Foreign Contracted Projects cum ‘Belt and Road’ Project Matching and Exchange Conference.

Labadan shir ee heerka caalami ah ayaa waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabisay Wasaaradda Ganacsiga ee dowladda Shiinaha, iyagoo isugu keenay madax sare, danjireyaal iyo wakiillo ganacsi oo ka kala yimid dacallada dunida.

Soomaaliya waxaa shirkan uga matalayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, Mudane Ibraahim Axmed Cusman, oo khudbad muuqaal ah ka jeediyay furitaanka shirweynaha.

Mudane Ibrahim ayaa khudbaddiisa ku iftiimiyay iskaashiga taariikhiga ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, kobaca dhaqaalaha iyo fursadaha maalgashi ee ka jira dalka, doorka ay Soomaaliya ka ciyaarayso horumarka gobolka iyo dedaallada Belt and Road Initiative.

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso dhinacyada ganacsiga, warshadaha iyo taageerada ganacsatada yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah.

Carwada iyo shirka la socda waxay fursad u noqdeen in la xoojiyo xiriirka ganacsi ee la isku baro hay’adaha dowliga ah, shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo maalgashadayaasha caalamiga ah, iyadoo Soomaaliya si firfircoon ay uga qeyb qaadatay doodaha iyo kulamada isbarasho ee halkaasi ka dhacay.