Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray 12 waddo oo Intarloog ah (Interlock), kuwaas oo laga hirgeliyay Waaxda Xaawo Taako ee degmada Hawlwadaag.
Mashruuca dhismaha waddooyinkan waxaa si wadajir ah u fuliyey bulshada deegaanka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa waxa uu hoosta ka xarriiqay in xasilloonida iyo nabadgelyada ka jirta caasimadda ay saldhig u noqdeen horumarka socda. Wuxuu caddeeyay in canshuurta shacabka lagu celin doono, loona adeegsan doono dhismaha waddooyinka muhiimka ah iyo adeegyada kale ee bulshada aas-aasiga u ah.
Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu shaaciyay in dhismaha Wadada Warshadaha uu qorshe ku jiro islamarkaana qiimeyn lagu sameynayo, halka Daalo iyo Fagax uu ballan qaaday in maalmaha soo socda si muuqata wax looga qaban doono.
Ugu dambayn, wuxuu ugu baaqay shacabka in ay gacan ka geystaan ilaalinta nadaafadda iyo bilicda magaalada.
Waxaana munaasabadda xarig-ka-jarka goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud, Cabdimajiid Daahir Aadan, agaasimayaal ka tirsan maamulka gobolka, iyo madaxda degmada.