Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francesca Di Mauro, oo ay wehlinayso ku xigeenkeeda arrimaha siyaasadda, Marwo Karin Gatt-Rutter.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, gaar ahaan dhinacyada horumarinta arrimaha siyaasadda, shuruucda, dib-u-eegista dastuurka iyo qorshayaasha kale ee mudnaanta u leh Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS.
Guddoomiyaha, oo si diirran u soo dhaweeyay Danjiraha, ayaa ka warbixiyay howlaha shaqo ee horyaalla Aqalka Sare iyo shuruucda muhiimka u ah dib-u-dhiska dalka iyo dowlad-wanaagga, iyadoo si gaar ah loogu tilmaamay dhammaystirka cutubyada harsan ee Dastuurka KMG ah.
Danjire Di Mauro, oo uga mahadcelisay Guddoomiyaha soo dhaweyntiisa diirran, ayaa bogaadisay dadaallada Golaha Aqalka Sare ee ku aaddan ansixinta shuruucda muhiimka ah ee dowlad-dhiska Soomaaliya.
Waxay sidoo kale xaqiijisay in Midowga Yurub uu diyaar u yahay inuu si dhow ula shaqeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo xoojiyo taageerada siyaasadeed iyo farsamo ee lagu garab istaagayo geeddi-socodka dowlad-dhiska.