Kulan lagu ansixinayay Qorshaha Qaranka ee Ka-hortagga Qaraxyada Macmalka ah oo lagu qabtay Muqdisho

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta ka qaybgalay kulanka lagu ansixinayay Qorshaha Qaranka ee Ka-hortagga Qaraxyada Macmalka ah (C-IED). Kulanka waxaa sidoo kale ka soo qeybgalay La-taliyaha Amniga Qaranka, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, Wasiirka Amniga Gudaha, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, iyo wakiillo ka socday beesha caalamka.

Wasiir Fiqi ayaa caddeeyay go’aanka Wasaaradda Gaashaandhigga ee ah in la xoojiyo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) si wax looga qabto halista qaraxyada ay adeegsanayaan kooxaha argagixisada. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in hirgelinta istiraatiijiyaddan ay ku salaysnaan doonto midnimo iyo masuuliyad wadaag ah oo u dhexeysa hay’adaha qaranka ee qaabilsan amniga, iyadoo si dhow loola shaqeynayo saaxiibbada caalamka.

Sidoo kale, Wasiirku waxa uu bogaadiyay Laanta La-socodka Hubka, Rasaasta iyo Walxaha Qarxa ee Xafiiska Amniga Qaranka, dadaalkooda joogtada ah ee ku aaddan diyaarinta iyo isku-duwidda qorshahan, si loo xaqiijiyo badbaadada shacabka iyo xasilloonida guud ee dalka.