Ciidanka Xoogga Dalka oo wali wada dabagalka firxadkii Khawaarijta ayaa gacanta ku dhigay Maleeshiyaad kale oo ka tirsan Khawaarijtii lagu jebiyay Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, waxaana laga soo qabtay deegaannada hoostaga degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo wali lagu sii baacsanaayo haraadiga khawaariijtii la jabiyay.
Howlgalka Ciidanku ka sameeyeen dhulka Howdka ah ayaa lagu qabtay seddax dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijtii casharka loogu dhigay degmada Ceeldheer, kuwaas oo iyagoo firxad ah u tegay dadka shacabka ah ee ku sugan dhulka miyiga ah, iyadoo howlgalku ka dhacay dhulka howdka ah ee u dhaxeeya deegaanka Cali Yabaal iyo degmada Ceeldheer.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa $2,000 oo dollar ku abaal-mariyey askarigii Sabanka ku dhuftay ee gubay gaarigii koowaad ee siday qaraxyadii ay Khawaarijtu ku soo weerartay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, iyadoo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage uu isna Askartii kale ee sida geesinimada leh u dagaalantay u balan-qaaday dalacsiin iyo abaalmarino kale.
Dhinaca kale Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan degmada Ceeldheer ayaa odayaasha dhaqanka iyo Qaar ka mid ah Saraakiil ee gaaray degmadaasi kala wareegay Xoola nool iyo Sahay loogu tala galay Ciidanka Xogga dalka, Maamulka Degmada Ceeldheer oo wakiil ka ah dadka deegaanka ayaana 200 oo Neef oo Ari ah iyo Afar Neef oo Geel ah ku wareejiyay Ciidamada Xoogga Dalka ee Khawaarijta ka difaacay, kuna laayey degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.
Maamulka degmada Ceeldheer oo wakiil ka ahaa bulshada deegaanka oo isugu jiray Ganacsato, qurbo-joog, Odayaal dhaqameed iyo saraakiil, ayaa deeq xoolo nool ah ku wareejiyay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Wareejinta Sahayda ayaa waxaa goob joog ka ahaa Saraakiil uu ugu horreeyo Taliyaha Ciidanka Dhulka Xogga dalka Somaliyeed, Taliyaha Qaybta 21,aad, Taliyaha Qaybta 1,aad ee Gorgor, Taliyaha Booliiska Hirshabelle, Taliyaha Guutada 24,aad ee Khaalid Binu waliid, Taliyaasha Ururada, Abaanduulayaasha Ciidanka, iyo Waxgaradka Deegaanka, waxaana xusid mudan waxaas iyo wax ka badan ayay istaahilaan.
Haddaba Warka aadka u fiican ayaa ah in abaalmarin lacageed la guddoonsiiyo Askarigii baajiyay inay qaraxyadu soo gaaraan fariisimaha ciidanka, wuxuuna Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed $2,000 oo dollar ku abaal-mariyey Askarigii RBG ama Sabanka ku dhuftay ee gubay Gaarigii koowaad ee siday Qaraxyadii ay Khawaarijtu ku soo weerartay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, iyadoo sidoo kalena, Generaal Odawaa Yuusuf Raage uu Askartii kale ee sida geesinimada leh u dagaalantay u balan-qaaday dalacsiin iyo abaalmarino kale.
Taliyaha qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Korneyl Maxamed Dhegaweyne iyo Taliyaha qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, Korneyl Saahid Jaamac Jareere, ayaa goob fagaare ah abaal-marintaas lacageed ku guddoonsiiyay Askarigii fashiliyay Gaarigii koowaad ee qaraxa, kaas oo meel fog ku gubtay, isagoo aan geysan wax khasaare ah, kadib markii labo xabo oo RPG ah uu Askarigaasi la helay, waa tii horey loo yiri ” Guushu waa adigoo wax yar cagaha Dhulka ku haya”, taasi ayaana suurtogalisay inay ciidanku guushaasi gaaraan.Waxyaabaha laga calaamadeeyay dagaalkii Khawaarijtu sida weyn ugu jabtay ayaa waxaa ka mid ah:- in ay kooxda Shabaabku qirtaan inay jab weyn ka soo gaaray dagaalkii ka dhacay magaalada Ceeldheer, taasi waxay ku tuseysaa in Khwaarijta jab xooggaan la soo gaarsiiyay.