Taliyaha CXD oo abaalmariyay Geesiyaashii Fashiliyay Weerarkii Ceeldheer

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa $2,000 oo dollar ku abaal-mariyey askarigii Sabanka ku dhuftay ee gubay gaarigii koowaad ee siday qaraxyadii ay Khawaarijtu ku soo weerartay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale, Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa askartii kale ee sida geesinimada leh u dagaalantay u balan-qaaday dalacsiin iyo abaalmarino kale.

Taliyaha qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Korneyl Maxamed Dhegaweyne iyo Taliyaha qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, Korneyl Saahid Jaamac Jareere, ayaa goob fagaare ah abaal-marintaas lacageed ku guddoonsiiyay askarigii fashiliyay gaarigii koowaad ee qaraxa, kaas oo meel fog ku gubtay, isagoo aan geysan wax khasaare ah, kadib markii labo xabo oo RPG ah uu askarigaasi la helay.